Wadahadallada la sheegay ee u dhexeeya Donald Trump iyo Iran—maxay uga dhigan yihiin Israel?

 Falanqeeyayaasha Israa’iil waxay sheegeen in dalka uu ka jiro dareen jahawareer iyo niyad-jab ah kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in wadahadallo lala lala billaabay Iran ay sii socon doono si loo dajiyo xaaladda kacsan ee bariga dhexe.

 

Wada hadalladan  ayaa yimid iyadoo Trump hore u hanjabay inuu weerarro culus ku qaadi doono kaabayaasha tamarta ee Iran haddii ay marinka ku furi waayaan muddo 48 saacadood gudahood ah, marki ay muddo 10 saacadood ah ka dhimanayd 48di saacadood ayu trump ku dhawaaqay in uu hakiyay beegsiga kaabayaasha Tamarta Iran, wakiillo u hadlay dalka Iran-na way beeniyeen in wax wadahadal ahi socdaan.

Intii uu socday dagaalka, hoggaamiyeyaasha Israa’iil waxay isku muujiyeen inay safka hore kaga jiraan la dagaallanka Iran, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu uu marar badan sheegay inuu ku qanciyay Maraykanka inuu ku biiro dagaalka, isagoo ku tilmaamay Iran khatar jiritaan oo ku wajahan Israa’iil.

War muuqaal ah oo uu soo saaray Isniintii kadib hadalka Trump, Netanyahu wuxuu sheegay in Trump aaminsan yahay in “guulaha waaweyn ee ay gaareen ciidamada Israa’iil iyo Maraykanka” loo adeegsan karo in lagu gaaro heshiis ilaalinaya danaha muhiimka ah ee Israa’iil. Wuxuu intaa ku daray: “Isla waqtigaas, waxaan sii wadnaa weerarrada Iran iyo Lubnaan. Waxaan si nidaamsan u burburinaynaa barnaamijka gantaallada iyo kan nukliyeerka, sidoo kalena waxaan si xooggan u beegsaneynaa Hezbollah.”

Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo Israa’iil ku sugan waxay si fiican u xusuustaan in dagaalka markii hore loo soo bandhigay mid keeni kara rididda xukuumadda Iran iyo dhammaadka khatarta ka imanaysa dalkaas. Iyadoo dowladdii Iran weli jirto, isla markaana weerarro dhimasho leh ay weli ku hayaan Israa’iil maalmahan, hadalka ku saabsan in dagaalka lagu soo afjaro wadahadal ayaa dadka qaar ka dhigay kuwo walaacsan.

Diblomaasi hore ahna qoraa caan ah Mr Alon Pinkas ayaa sheegay in haddii Trump uu riixayo wadahadal ka dhan ah rabitaanka Netanyahu, ay taasi muujin karto in Trump uu ogaaday in Netanyahu laga yaabo inuu ku khalday sida ugu fudud ee guul degdeg ah loo gaari karo iyo sida ay u suurtagal tahay in xukunka Iran la beddelo, 
taas oo dunida ka fajacisay sida Iran loo yasirtay iyo awoodda ay la soo baxday.


Ori Goldberg oo ah Cilmibaare siyaasadeed kuna taqaqusay arrimaha Iran ayaa isna sheegay in Israa’iil aysan u muuqan mid lagala tashaday wadahadallada, taas oo dhaawac weyn ku ah dadaalladii Netanyahu ee ahaa inuu Maraykanka si buuxda ugu lug yeesho dagaalka. Wuxuu si cad u yiri: “Ma guuldarro bay u tahay Netanyahu? Haa, si buuxda! Waa Trump oo si ku meel gaar ah uga leexday Israa’iil.”

Inkasta oo ay jiraan walaacyadan, falanqeeyayaal qaar ayaa qaba in xitaa haddii Israa’iil laga saaray wadahadallada, aysan taasi meesha ka saarayn guulaha militari ee ay ka gaartay Iran.

Nimrod Flashenberg oo ah Falanqeeye pro Israili ah  ayaa sheegay in Israa’iil aysan hadda ahayn dal si weyn uga qayb qaata diblomaasiyadda, balse haddii hadafku ahaa in la wiiqo awoodda militari ee Iran, ay taas ku guuleysatay, isla markaana ay hubisay in Maraykanku muddo dheer ka shaqeyn doono in awooddaas la xakameeyo.

By: Mohamed Abdifatah Mohamoud

 


Popular posts from this blog

The Horn Of Satan

From Prisoner to Minister

Hiraab Dynasty / Yacquubi imamate