Skip to main content

Posts

Showing posts from March, 2026

Wadahadallada la sheegay ee u dhexeeya Donald Trump iyo Iran—maxay uga dhigan yihiin Israel?

 Falanqeeyayaasha Israa’iil waxay sheegeen in dalka uu ka jiro dareen jahawareer iyo niyad-jab ah kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in wadahadallo lala lala billaabay Iran ay sii socon doono si loo dajiyo xaaladda kacsan ee bariga dhexe.   Wada hadalladan  ayaa yimid iyadoo Trump hore u hanjabay inuu weerarro culus ku qaadi doono kaabayaasha tamarta ee Iran haddii ay marinka ku furi waayaan muddo 48 saacadood gudahood ah, marki ay muddo 10 saacadood ah ka dhimanayd 48di saacadood ayu trump ku dhawaaqay in uu hakiyay beegsiga kaabayaasha Tamarta Iran, wakiillo u hadlay dalka Iran-na way beeniyeen in wax wadahadal ahi socdaan. Intii uu socday dagaalka, hoggaamiyeyaasha Israa’iil waxay isku muujiyeen inay safka hore kaga jiraan la dagaallanka Iran, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu uu marar badan sheegay inuu ku qanciyay Maraykanka inuu ku biiro dagaalka, isagoo ku tilmaamay Iran khatar jiritaan oo ku wajahan Israa’iil. War muuqa...